Wasiir Cali Xoosh Oo Guddoomiyay Kulanka Guddiga Farsamo Ee Xiriirka Arrimaha Xasilinta

 

Muqdisho, 28 April 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane xildhibaan Ali Yusuf Ali (Xoosh) oo uu wehliyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda mudane Cabdixakiim Xasan Ashkir, ayaa guddoomiyay Kulanka billaha ah ee Guddi Howleedka Farsammo ee Xiriirka Arrimaha Xasillinta.

 

Kulankaan waxaa kasoo qaybgalay dhammaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha DFS ee Xasillinta uga shaqeeya arrimaha Xiriirka, iyada oo ay goobjoog ka ahaayeen agaasimeyaasha waaxaha xariirka iyo Warbaahinta ee Wasaaradaha Dowladda iyo Hey’adaha Dowladda Federaalka ah u qaabilsan Xasillinta.

 

Inta uu Kulanku socday waxaa la isla meeldhigay arrimo ay ka mid yihiin; wadashaqeynta xafiisyada Xiriirka ee hey’adaha dowladda, mideynta farriimaha xasillinta iyada sidoo kale kulanka lagu bandhigay shaqooyinka u qabsoomay guddiga bilihii lasoo dhaafey.

 

Ugu danbayn, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa kula dardaarmey guddiga in ay muhiim tahey in diiradda lasaaro soo bandhigista Hay’adaha Dowladda heerarkooda kala duwan adeegyadda Dowladeed ay gaarsiinayaan deegaannada laga xoreeyay khawaarijta, baahinta farriimo mideysan isaga ballanqaaaday in ay ka go’antahay taageridda guddigga iyo howlihiisa.