Muqdisho 23 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa booqday xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar isaga oo kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho mudane Yusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).
Arrimaha laga wada hadlay waxaa ka mid ah; Wadashaqeynta labada dhinac, dedejinta howlaha hortabin leh iyo arrimo kale.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa waday dedaallo ku aaddan siduu xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeyay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada dalka.