Kismaayo 22 2024; Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Saadaad Maxamednuur Caliyow ayaa maanta safar shaqo oo 2 Maalmood ah ku gaarey Caasimada kumeelgaarka Maamulka Jubaland ee Kismaayo.
Ujeedooyinka Safarka waxaa ka mid ah; Xoojinta Xiriirka Wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee labada heer iyo In Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ay uga warbixiso Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland howlaha socda, gaar ahaan Arrimaha la xiriira:
– dib u eegista sharciga jinsiyadda.
– Arrimaha dal-laawenimada
– Hirgelinta nidaamka danabeysa, Ee dad-dhigidda iyo tirakoobka xaaladaha madaniga
Ugu Dambayn, Agaasinka Guud ee Adeegyada Dad-dhigidda Iyo Tarakoobka xaaladaha Madaniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa waday dedaallo ku aaddan sidii kor loogu qaaday adeegyada la xiriira arrimahaas oo ay bixiyaan heerarka kala duwan ee Hay’adaha Dowladda.