Muqdisho 22 April 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa maanta caasimadda Muqdisho kulammo salaan iyo isxogwareysi ah kula qaatay qaar ka tirsan Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Soomaaliyeed.
Kulamadaasi waxaa ka mid ahaa fadhi gaar ah uu la qaatay Madaxweynaha Hirshabelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, Madaxwaynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareeen).
Ugu dambayn, kulamada Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS iyo Madaxda Dowlad Goboleeyada ayaa Arrimaha si horudhac ah looga hadlay waxaa ugu muhiimsanaa; wadashaqeynta labada dhinac, hortabinnada iyo qaar kale.