Muqdisho 22 April 2024; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Caydaruus Macallin Xasan shir guddoomiyey kulanka guddiga la-talinta Mashruuca Mideeye oo ay MFA Finland ka taageerto Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.
Kulankaas oo looga hadlay sidi loo dardargelin lahaa Hawlaha mashruuca ee la xariira Dib u heshiisiinta iyo Dawladaha Hoose.
Kulanka waxaa sidoo kala ka soo qeybgalay Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Hirshabeele iyo Koofur Galbeed. Sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa kulankaan Hayadda FCA iyo xubno kasocday Safaarada Finland.