Waxgaradka Caasimadda Puntland Oo Soo Dhaweeyay Wasiirka Cusub Ee Arrimaha Gudaha XFS

 

Garowe 20 April 2024; Odeyaasha dhaqanka, Siyaasiyiin, Waxgaradka, Dhalinyarada, Haweenka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan caasimadda Puntland Garoowe ayaa munaasabad isugu jirta soodhoweyn, hambalyo, taageero iyo ducaba u sameeyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yusuf Xoosh.

 

Waxgaradka iyo mas’uuliyiinta oo ka hadlay munaasabadda ayaa muujiyay dareenkooda ku aaddan marka la eego khibradda, aqoonta, waxgalnimada iyo kalsoonida ay ku qabaan dadka deegaanka ay aad ugu faraxsan yihiin xulashada hoggaanka dalka ay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya u xusheen Xildhibaan Cali Xoosh.

 

Dhanka kale, Mas’uuliyiinta kala duwan ee ka hadashay kulanka waxaa ay hoosta ka xariiqeen kalsoonidooda ku aaddan in Wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya mudane Xildhibaan Cali Yuusuf uu wax badan kusoo kordhindoono horumarinta Wasaaradda Arrimaha, Federaalka, Xallinta khilaafaadka Dowladda dhexe iyo Puntlnad iyo arrimo kale.