Wasiir Cali Xoosh oo Booqday Hey’adaha NIRA, SoDMA iyo NCRI

 

Muqdisho, 20 April 2024; Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo ay wehliyeen Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda mudane Cabdixakiim Xasan Ashkir iyo Agaasimaha Guud mudane Caydaruus Macallin Xasan ayaa maanta kulamo kala duwan oo horudhac ah, isuguna jira kormeer, xog wareysi, la socoshada howlaha iyo isbarasho ah la qaatay hoggaannada Hey’adaha hoostaga Wasaaradda ee NIRA, SoDMA iyo NCRI.

 

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA Soomaaliya) mudane Cabdiwali Timacadde, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (NIRA Soomaaliya) mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Guddoomiyaha Hay’adda qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI) marwo Safiyo Maxamed Xasan ayaa si gaargaar ah uga warbixiyey Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya howlaha socda, hortabinnadooda kala duwan, qorsheyaasha hey’adaha iyo arrimo kale.

 

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa mas’uuliyiinta iyo howlwadeennada kala duwan ee hey’adahaan ku bogaadiyey howlaha muhiimka ah ee ay hayaan isaga oo faray in la ilaaliyo anshaxa shaqada, dardargelinta qorsheyaasha sanadka iyada oo la hubinayo la jaanqaadidda howlahaasi hortabinnada Wasaaradda, Xukuumadda iyo guud ahaan Qaranka.