Muqdisho, 16 April 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kulan la qaatay Ergayga Gaarka ah ee Dowladda Finland u qaabilsan Nabadaynta Iyo Dhexdhexaadinta Geeska Afrika Mudane Suldaan Saciid Axmed.
Inta kulanka uu socday ayaa looga arrinsaday arrimaha la xiriira Dib-u-heshiisiinta iyo dhexdhexaadinta, iyada oo si gaar ah diiradda loo saaray doorka dhalinyarada.
Ugu Dambayn, Dowladaha Finland iyo Soomaaliya ayaa leh xiriiir, iyado Finland ay ka mid tahay Dowladaha Soomaaliya ka taageera dhinacyada Dowlad dhiska iyo Dib-u-heshiisiinta.