Muqdisho, 16 Apr 2024; Ku Simmaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ku Xigeenka Ra’iisul Wasaaraha Mudane Saalax Jaamac ayaa xilka u kala wareejiyay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cal( Xoosh) iyo Wasiirka Hore Wasaaradda haatanna ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Macallin Fiqi.
Wasiirka ka dagay xilka Wasaararadda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay xafladda xilwareejinta ayaa ku dheeraaday howlihii kala duwanaa ee uu muddada xilheyntiisa ka qabtay Wasaaradda, isaga oo soo qaatay danabeynta Wasaaradda, Dib-u-heshiisiinta, Federaaleynta, hormuudnimada howlaha Xasillinta, wax kaqabashada abaaraha, yagleelidda Hay’ado muhiim ah sida SoDMA iyo NIRA iyo soocelinta kaalintooda, waxaa kale uu ammaanay wadashaqeyntii Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada iyo Arrimo kale.
Dhan kale, Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa kula dardaarmay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xildhibaan Ali Yusuf Ali – Xoosh in uu wax badan ka qabto howlaha horyaalla oo ay ugu horeeyaan midnimada iyo iskuheynta dalka, isaga oo intaa raaciyay in Wasaaradda ay joogaan dad karti iyo aqoon leh oo wax badan ku gacan qaban kara arrimahaas.
Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Xildhibaan Ali Yusuf Ali – Xoosh oo khudbad ka jeediyey munaasabadda uu xilka kula wareegayey ee Wasaaradda ayaa marka hore uga mahadceliyay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha XFS Danjire Ahmed Moallim Fiqi shaqada muuqatay uu kasoo qabtay Wasaaradda muddada uu xilka hayey, isaga oo intaa raaciyay in howlaha ay halkoodii kasii socon doonaan.
Xildhibaan Ali Yusuf Ali – Xoosh , Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya waxaa uu dhanka kale ka hadlay inuu ka shaqeynayo aragtida dowladda iyo hiigsiga Wasaaradda, waxaa uuna soo qaatay sida ay muhiim u tahay adeegsiga siyaasad iskuheyn ah, lagana fogaado wax kasta oo ummadda kala fogeyn kara isaga oo hoosta ka xariiqay in maamulkii tabasho qaba uu ku imaanayo wada hadal, kana fog urugo iyo calool xumo.
Sidoo kale, Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinnada mudane Ali Yusuf Ali – Xoosh ayaa sheegay in ay haboon tahay in Soomaalinnimo, Sharaf iyo cisi iyo karaamo wax lagu doono, loona shaqeeyo qaranka.
Kusimmaha Ra’isul Wasaaraha ahna Ra’isul Wasaare Kuxigeenka XFS mudane Saalax Axmed Jaamac oo ka hadlay Munaasabadda ayaa khudbaddiisa ku sheegay waxqabadkii Wasiir Fiqi muddada uu joogay Wasaaradda isaga oo intaa raaciyay inuu wax ka qabtay arrimo ay ka mid yihiin abaabulka shacabka ee howlgalka ka dhanka ah Khawaarijta, gargaarka degmooyinka dalka iyo la tacaalidda abaaraha, Xasillinta, Dib u heshisiiinta iyo arrimo kale. Waxaa kale uu bogaadiyay yagleelidda Hay’adaga SoDMA iyo NIRA iyo hey’ado kale oo muhiim u ah qaranka.
Ugu dambeyntii, Kusimmaha Ra’isul Wasaaraha ahna Ra’isul Wasaare Kuxigeenka XFS Mudane Saalax Ahmed Jaamac waxaa uu kula dardaarmay ka qeybgalayaasha in laga shaqeeyo dhameystirka Qaran-dhiska sida Federaaleynta, Dastuurka iyo Arrimo kale.