Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Oo Golaha Wasiirrada Ujeedisay Warbixin Ku Aaddan Furfuridda Astaynta Awoodaha

 

Muqdisho, 04 Mar 2024; Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayey Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta kusoo bandhigtay waxqabadka daadajinta iyo furfuridda astateynta awoodaha heerarka Dowladda.

 

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa ka qaybgalisay Dhammaan Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya arrinta ku aaddan Furfuridda Astaynta Awoodaha Dowladda oo ay ku heshiiyeen Golaha Wadatashiga Qaranka.