Wax Ka Ogoow Kulanka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Iyo Build Up

 

Muqdisho, 03 Apr 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa xafiiskiisa kula kulmay Agaasimaha Build Up, Jerry McCann, iyo Madaxa Siyaasadda Loo Dhanyahay, Meghan Brown.

 

Ujeedka kulanka ayaa ahaa si looga wada hadlo iskaashiga labada dhinac iyo sida Build Up ay u taageeri karto ujeedooyinka iyo howlaha WAGF&D, oo ay ka mid tahay aasaasidda Xarun Wadahadalka Qaran.

 

Waxaa kale oo laga wada hadlay; Qodobbada Wadahadalka Qaran ee mudnaanta leh iyo suurtagalnimada ku dhafidda fanka iyo hal-abuurada dhijitaalka ah, dimuqraadiyaynta Soomaaliya: Guulaha iyo tallaabooyinka xiga ee mudnaanta leh iyo Qaababka kale ee iskaashiga labada dhinac.

 

Ugu Dambayn, Kulanka ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Xarunta Wadahadalka Qaran Mudane Aadan Shiikh Xasan Xuseen (Az-hari ) iyo Isu Duwa Siyaasaddda Loo Dhanyahay ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Maxamed C/qaadir Maxamuud Haajir.