Muqdisho 02 Apr 2024: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa kala qeybgalay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) Munaasabad Afur wadareed ah oo lagu qabtay Xarunta Degmada Kaxda ee Magaalada Muqdisho.
Munaasabadda Waxaa lagu bogaadiyay Xasilinta iyo amniga caasimadda, Wadashaqeynta laamaha amniga degmada iyo bulshada.
Ugu Dambayn, Munaasabadaan waxaa kale oo goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Wasiiru-Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyeyaal Degmo, Agaasimeyaal, Saraakiisha Amniga, Odayaasha Dhaqanka iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada.