Muqdisho 31 Mar 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa guddoomiyey kulanka billaha ah ee Wasaaradda, iyada oo ay goobjoog ka ahaayeen Agaasimaha Guud mudane Caydaruus Macallin Xasan, Agaasimo waaxeedyada, madax qeybeyada iyo qeybo kale oo shaqaalaha Wasaaradda ah.
Inta uu kulanku socday waxaa lagu soo bandhigay; (1). Warbixinta waaxda qorsheynta iyo qiimeynta (2). Soo bandhigidda Warbixin Baarista (Audit Report) ee mashaariicda UNDP. (3). Heerka Shaqada iyo Shaqaalaha (4). Bandhigga Istaraatiijiyadda waaxda Xiriirka iyo Lafalgalka Dadweynaha (5). Warbixinta Bisha ee Dowlad Goboleedyada (6). Soojeedinta Waxqabadka Agaasinka guud ee Adeegyada Dad Dhigista ee March (7). Sharaxaadda System-ka cusub ee Wasaaradda(E-Moifar) iyo (8). Dulmar Guud ee Isbadallada iyo Casriyeynta Machadka Qaran ee Dowladaha Hoose.
Ugu Dambayn, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi oo gebogabada kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyay shaqada kala duwan ee waaxaha ka socota isaga oo hoosta ka xariiqay in lala jaanqaado isbadallada, casriyeynta iyo danabeynta shaqada ee socota, isla markaana iskula xisaabtamidoono ballanqaadyada iyo howlaha Wasaaradda.