Muqdisho 28 Mar 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan isbarasho ah la yeeshay Danjiraha cusub ee Dowladda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya Mudane Alper Aktaş.
Inta uu kulanku socday waxaa diiradda la saaray howlo ay ka mid yahiin; iskaashiga iyo hawlaha hortabinnada leh ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya uga xiran dalka Turkiga.
Dowladda Turkiga ayaa ka mid ah saaxibada Soomaaliya ee ka taageera dhanka Dowladnimada, gaar ahaan dhinacyada Amniga iyadoo Dowladda Turkiga Soomaaliya u tababartay Ciidamo qayb ka ah difaaca dalka, waxaanay Turkiga qayb ka qaateen ka Samata bixinta Soomaaliya ee abaarihii 2011.