Muqdisho 24 Mar 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta waxaa booqasho ugu yimid xafiiskiisa mas’uuliyiin ka tirsan Deniz Feneri, oo mid ah hey’adihii gacan ka geystay abaartii 2011-kii.
Kulanka uu sidoo kale qeyb ka ahaa habdhowraha Golaha Shacabka Xil. Maxamed Cabdullahi Xasan (Nuur) ayaa Mas’uuliyiinta hey’adda Deniz Feneri oo uu hoggaaminayay Av. Mehmet cengiz waxyaabaha ay kala hadleen Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Axmed Fiqi waxaa la mid ahaa; gargaarka iyo howlaha kala duwan ee ay qabtaan.