Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Oo Soo Xiray Wajiga 2-aad Kulanka Astaynta Awoodaha

 

Muqdisho 21 Mar 2024; Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Saadaad Caliyow oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cayduruus Macallin Xasan ayaa soo xiray Kulanka Farsamo ee Ansixinta Wajiga 2-aad ee Furfuridda Astaynta Awoodaha Dowladda oo ay soo agaasintay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.

 

Wasiir Saadaad oo kalmad kooban ka jeediyay kulanka ayaa hoosta ka. Xarriiqay muhiimadda Astaynta Awoodaha iyo in lakala caddeeyo doorarka Hay’adaha kala duwan ee Dowladda heerarkeeda kala duwan, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxaa uu yiri “Shaqadaan waxay ka mid tahay shaqooyinka muhiimadda gaar u leh Dowlad dhiska Soomaaliya, sidoo kale Astaynta Awoodaha waa tiir ka mid ah 6 tiir ee Federaalaynta ee lagu heshiiyay iyo sida ku xusan Dastuurka qodobadiisa kala duwan Ee qeexaya Awoodaha kala duwan ee heerarka Dowladda iyo heshiiska siyaasadeed ee Golaha Wadatashiga Qaran”

 

Wasiiru Dowlaha oo gagabada kulanka sii wata hadalkiisa ayaa u mahadceliyay Howlwadeennada Hay’adaha kala duwan ee dowladda ee qaybta ka ahaa barnaamijkaan, waxaanu yiri ” waxaan u mahadcelinayaa kooxda Farsamo ee howshaan Maskaxda, Xoogga iyo Muruqa galiyay kuwaas oo ka kala yimid Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS, Xafiiska Raysal Wasaaraha, Wasaaradaha iyo Hay’adaha kala duwan ee Dowladda”

 

Ugu Dambayn, Kulanka Farsamo ee Ansixinta Wajiga 2-aad ee Furfuridda Astaynta Awoodaha Dowladda Ayaa waxaa kasoo qaybgalay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay tiradoodu gaarayso 45.