Muqdisho 21 Mar 2024; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cayduruus Macallin Xasan ayaa furay Kulanka Farsamo ee Ansixinta Wajiga 2-aad ee Furfuridda Astaynta Awoodaha Dowladda oo ay soo agaasintay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.
Agaasimaha Guud oo hadal kooban ka jeediyay kulanka ayaa ugu mahadceliyay Guddiyada Farsamo ee ka kala socda Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka shaqada ay ka qabteen soo uruurinta xogaha ku saabsan furfuridda Astaynta Awoodaha Dowladda.
Kulanka Farsamo ee Ansixinta Wajiga 2-aad ee Furfuridda Astaynta Awoodaha Dowladda ayaa waxaa ka qaybgalaya Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.