Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Oo Qaabilay Wakiilka UNDP Soomaaliya

 

Muqdisho 20 Mar 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa xafiiskiisa kula kulmay wakiilka hey’adda UNDP ee Soomaaliya mudane Lionel Laurens iyada oo laga wada hadlay barnaamijka JPLG.

 

Kulanka uu sidoo kale goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda mudane Caydaruus Macallin Xasan ayaa khubarada Dowladaha hoose ee ka kala tirsan Wasaaradda iyo UNDP ayaa inta uu socday kulanku waxaa ay soo bandhigeen caqabadaha heysta dowladaha hoose iyo xalka ugu haboon.

 

Wakiilka UNDP ee Soomaaliya Lionel Laurens ayaa sheegay in ay mudnaan siinayaan hortabinnada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya iyo in helo hannaan dhameystiran oo lagu taageerayo dowladaha hoose.

 

Ugu dambeyntii, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS mudane Axmed Macallin Fiqi oo kulanka ka hadlay ayaa xusay sida Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah ay ahmiyad isku mid ahi usiiyaan Barnaamijka JPLG.

 

“JPLG waxaa uu soo jiray 15 sano, muddadaasi wax badan ayaa is badalay, waxaa jira deegaanno markii ugu horreysay xor noqonaya, waxaanna loo baahanyahay in Barnaamijkan uu lajaanqaado isbadalladaasi”. ayuu hadalkiisa kusoo gabogabeeyay mudane Fiqi.