Muqdisho 19 Mar 2024; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cayduruus Macallin Xasan ayaa xilka u kala wareejiyay Agaasimaha Guud ee Machadka Qaran ee Dowladaha Hoose.
Agaasimihii Macahdka Qaran ee Dowladaha Hoose Mudane Cumar Caalim Maxamed ayaa si rasmi ah xilka ugu wareejiyay Agaasimaha Cusub ee Machadka Mudane Cabdifitaax Cali Xasan.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cayduruus ayaa ku ammaanay Agaasime Cumar Caalim dhismaha iyo shaqada baaxadda leh ee uu ka qabtay Machadka, dhanka kale agaasime Cayduruus ayaa faray agaasimaha cusub in uu dardargaliyo waajibaadka Qaran ee loo igmaday.