Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Oo Ka Qaybgalay Afur Wadareed Lagu Maamusay Nabadda Caasimadda

 

Muqdisho, 17 Mar 2024; Kulan afur wadareed ahaa oo lagu maamuusay nabadda iyo amniga caasimadda Muqdisho iyo guud ahaan gobolka Banaadir, kana qeybgalaleen xubno ka tirsan xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo uu ugu horreeyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi iyo guddoonka gobolka Banaadir ayaa ka dhacay duleedka degmada Deyniile.

 

Wasiir Fiqi iyo mas’uuliyiinta kale oo ay ka mid ahaayeen; Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka, Guddoomiyaha iyo kuxigeeka amniga iyo siyaasadda ee G/Banaadir, Taliyeyaasha Laamaha amniga iyo mas’uuliyiin kale oo sidoo kale kormeeray qeybo ka mid ah degmada Deyniile ayaa shacabka kula afuray deegaan u dhaxeeya Shabeellada hoose iyo Banaadir, iyada oo laga hadlay nabadda ka jirta gobolka Banaadir.

 

Kulanka inta uu socday, waxaa kale oo hoosta laga xariiqay sida ay muhiim u tahay isla shaqeynta shacabka iyo laamaha amniga taasi oo suurtogelineysa dardargelinta amniga iyo kahortagga hagarta Khawaarijta.

 

Ugu Dambayn, Mudane Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in afurka lagu qabtay duleedka Deyniile uu muujinayo dadaallada hey’adaha amniga ee xagga xaqiijinta ammaanka iyo jawaabta weerarkii fulaynimada ahaa ee Khawaarijta ay bakhtigoodu keeneen gudaha caasimadda Muqdisho, waxaa uuna xaqiijiyay in dagaalka ka dhanka argigixisada uu halkiisa kasii soconayo isaga oo u digay kooxaha Baraha Bulshada ka taageero Khawaarijta.