Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Oo ay Wahliyaan Wasiirrada Arrimaha Gudaha Ee DXDF Iyo SSC Khaatumo Oo Kulan La Qaatay Raysal Wasaare Xamse

 

Muqdisho 12 Mar 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ay wehliyaan Wasiirrada Arrimaha Gudaha ee Dowladaha Xubnaha ka ah DF iyo Maamulka Kumeelgaarka ah ee SSC Khaatumo ayaa maanta booqasho sharaf ugu tagay Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre.

 

Wasiirrada la kulmay Ra’isul wasaare mudane Xamse Bare waxa ka mid ahaa; Mudane Maxamed Ibraahim Oogle Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jubbaland, Mudane Cabdi Maxamed Jaamac Waayeel Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Galmudug, Mudane Maxamuud Axmed Gacal Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha ee Hirshabelle iyo Cabdisahal Jaamac Maxamed oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ee maamulka Kumeelgaarka ah ee SSC Khaatumo.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Axmed Fiqi ayaa saddexdii maalin ee tagtay shir guddoominayay “Madasha Wadatashiga Wasiirrada ee Hannaanka Qaran ee Dowladaha Hoose Wadajir” taasi oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirrada Arrimaha Gudaha ee dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Kumeelgaarka ah ee SSC Khaatumo, iyo weliba Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradahaasi iyaga oo is afgarad ka yeeshay howlo badan oo hortabin u leh, laguna hormarinayo dowladaha hoose.