Wasiirrada Arrimaha Gudaha Labada Heer Oo Kulan Fogaan Arag Ah La Yeeshay Safaaradda Maraykanka Iyo Hay’adda USAID

 

 

Muqdisho 11 Mar 2024; Wasiirradaha Arrimaha Gudaha ee labada heer oo uu ugu horreeyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Federaalka ah ee Sooomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa Inta uu socday shirka maalinta 3-aad, uguna dambeysay ee “Madasha Wadatashiga Wasiirrada ee Hannaanka Qaran ee Dowladaha Hoose Wadajir”, waxaa ay kulan doceed,oo u dhacay qaabka fogaanta ah la galeen madaxda hey’adda USAID iyo Safaaradda Mareykanka.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Mudanoo ku hadlayey magaca mas’uuliyiintaasi waxaa uu ugu horreyn uga mahadceliyay howlaha ay Hey’adda USAID iyo guud ahaan Mareykanku ay ka fuliyaan dalka iyo sida dhow ee ay ula shaqeeyaan heerarka kala duwan ee dowladda ee keliya aan ku koobnayn mashaariicda balse ay ku jiraan horumarinta amniga iyo Banii’aadnimada.

 

Wasiir Fiqi waxaa kale oo uu dulmar ku sameeyay waxyaabaha looga hadlay “Madasha Wadatashiga Wasiirrada ee Hannaanka Qaran ee Dowladaha Hoose Wadajir” iyo aragtida isku duwidda, qaabeynta iyo isku xirka mashaariicda hortabinta u arkaan dhammaan kaqeybgalayaasha sida; Xasllinta, Dib u heshiisiinta, Dimoqoraadiyeynta, Siyaasadda loo dhanyahay, Xalka waara iyo qaar kale, waxaa uu si gaar ah u tilmaamay mashruuca JPLG oo la isku raacay in uu wax badan taray.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ayaa soo qaatay in shirka arrimaha la isku afgartay ay ka mid yihiin; mideynta sharciga Dowladaha hoose, Dimoqoraadiyadana in doorasho qof iyo cod ah oo hal mar wada dhacaya laga fuliyo min hal degmo oo dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ah iyo howlo kale oo warmurtiyeedka lagu daray kuwaas oo saxiibada caalamka looga baahanyahay in ay ku shaqeeyaan aragtidaas mideysan.

 

Dhankooda, madaxda ka socotay USAID iyo Safaaradda Mareykanka oo hadal kooban jeediyay ayaa bogaadiyay kulanka iyaga oo si gaar ah u ammaanay hoggaanka Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi ee dhan walba, waxaa ay soo dhoweeyeen midnimada iyo wadashaqeynta Wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee labada heer iyo sida ay uga go’antahay dhismaha dowladaha hoose, waxaa ay ballanqaadeen taageero iyo in ay u ololeynayaan horumarka arrimaha la xiriira.