Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Oo Guddoomiyay Kulanka Heer Wasiir Ee Dowladda Soomaaliya Iyo Saaxibada Caalamig Ah

 

 

Muqdisho 07 Mar 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa Guddoomiyaya kulan heer wasiir oo ay goobjoog ka ahaayeen qaar ka tirsan golaha Wasiirrada XFS iyo wafdi ay horkacayeen madaxda Hey’adaha OCHA iyo FOA, iyada oo sidoo kale uu ku sugnaa DSRSG/RC/HC, waxaana looga hadlay arrimaha howlgallada hey’adahaasi ee arrimo ay ka mid yihiin; Banii’aadnimada, Isbadalka cimilada iyo arrimo kale.

 

Kulankan, Wasiirrada qeybta ka ahaa waxaa ka mid ahaa; Wasiirka Wasaaradda Beeraha XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS Mudane Jaamac Taqal Cabaas, Wasiirka Kalluumeysiga, Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, dhirta iyo daaqa XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelay) iyo Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Baluugga ah XFS Mudane Axmed Xasan Adan, Wasiiru dowlaha Bey’ada iyo Isbedelka cimilada XFS Mudane Aadam Aw Xersi, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Mudane Xiris Jaamac Gaani iyo Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Dr. Axmed Cabdi iyo la taliyaal.

 

Madaxda Wafuudda ka socotay OCHA iyo FOA waxaa horkacayay Kuxigeenka OCHA Joyce MSUYA iyo Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee FOA Beth Bechdol kuwaas oo kasoo kala socdaalay Newyork iyo Roma, waxaa sidoo kale kulanka qeyb ka ahaa Kuxigeenka ergeyga Xogheyaha guud ee Qaramada Midoobey George Conway.

 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Soomaaliya ay kasoo kabaneyso khataro badan sida khatarta amniga blase ay weli ku dhib qabto mashaakilaadka ka dhasha isbadalka cimilada sida abaaraha iyo fatahaadaha webiyada oo ay wehliyaan burburka kaabayaasha dhaqaale, nuglaanta qeybo ka mid ah bulshada, dhaqaale yari dadka soo wajahda iyo arrimo kale.

 

“Dhibaatada ka dhalatay isbadalka cimillada darteed gaar ahaan abaaraha iyo fatahaadaha maanta waxaa gargaar degdeg ah u baahan 5-6 milyan oo Soomaali ah” ayaa ka mid ahaa hadaljeedinta Wasiir Fiqi isaga oo intaa raaciyay baahida loo qabo in maalgeshi lagu sameeyo barnaamijyo wax ka qabanaya isbadalka cimilada, meeshana ka saaraya saameynta xub iyo dhibaatada ka dhalaneysa.