- March 6, 2024
- Posted by: Xidig
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
Muqdisho 06 Mar 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa kula kulmay caasimadda Muqdisho wafdi sare uu horkacayay Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibadda ee dalka Norway Mudane Andreas Kravik, iyada oo laga wada halay arrimo ay ka mid yihiin; Xasillinta, Dib u heshiisiinta iyo howlo badan oo dalka hortabin u leh.
Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda ee Norway mudane Andreas Kravik waxaa kulanku kasheegay sida Norway ay u garabtaagan tahay dowladda Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada hortabinta u leh sida Xasillinta iyo Sookabashda iyo Dib u heshiisiinta.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa xusay dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto kooxaha Khawaarijta iyo barnaamijka xilligan hortabinta u leh deegaannada la xoreeyay. “ Waxaan indhaheyga kusoo arkay bulshada laga xoreeyay Khawaarijta oo ku faraxsan in ay dowladnimada dib u helaan. Iskuuladdii ayey dib ugu noqdeen, wey shaqeystaan, kubad ayay cayaaraan, noloshii caadiga ahayd ayey dib u heleen” ayaa ka mid ahaa erayada Wasiirka
Dhanka kale, Mudane Axmed Macallin Fiqi Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya waxaa uga mahadceliyay Dowladda Norway gacanta ay ka geysatay ladagaalanka Argigixisada iyo ballanqaadyada la xiriira howlaha Xasillinta iyo sookabashada degdegga ah ee dadka iyo deegaannada laga xoreeyay Khawaarijta.