- March 5, 2024
- Posted by: Xidig
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
Muqdisho 05 Mar 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ka qeybgalaya madasha 7-aad ee aragti wadaag ee Heritage oo sanadkan diiradda lagu saaray“ Kobcinta Dhaqanka Nabadda Geeska” ayaa lagu casuumay fadhi si gaar ah wax looga weydiiyay xalka mashaakilaadka soo laalaabta gaar ahaan colaadaha iyo argigixisada.
Mudane Wasiir Fiqi, waxaa uu xusay in murannada haatan taagan ay u badan yihiin siyaasi iyo dad doorbidaya sidii hore isaga oo intaa raaciyay “Bulshada wax u dhaxeeya ma jiraan waa walaalo, bulshada waa kasoo kabatay wixii hore, oo waa ka caafimaad qabtaa”.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi, waxaa uu soojeediyay dhowr talo, oo arrimaha jira xal ah sida;
(1). Geedi u socod nabad iyo kaqeygalid loo dhanyahay sida in dadka loo jiheeyo doorasho qof iyo cod ah.
(2). Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayuu wasiirku sheegay in sanadkan qabaneyso shirweyne lagu madlindoonno dhaqanka, culimada, siyaasiyiinta iyo dhammaan qeybaha kala duwan.
(3). Xoojinta hey’adaha xallinta khifaadkaada, oo ah in la dhiso hey’adaha dowliga ah ee arrimahan wax ka qabanaya.
(4). Horumrinta dhaqanka wada hadalka iyo ka shaqqeynta dhismaha kalsoonida bulshada ayaa ka mid ah arrimaha uu wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Axmed Fiqi ka hadlay.
(5). Wax kaqabashada sababaha keena isku dhacyada ayaa sidoo kale ka mid ahaa talooyinka wax ku oolka ah ee uu halkaasi kasoo jeediyay.
(6) Maalgelinta isku xirka bulshada iyo dib u heshisiinta si loo gaaro Nabad, sinnaan iyo cadaalad.
Ugu Dambayn, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya waxaa uu hadalkiisa kusoo gabogabeeyay “Bulshada Soomaaliyeed waxay kasoo jeesteen jihadi colaadaha, waxay hadda taagantahay barta kala barta jihada collaadda iyo is aaminaad la’aanta, waxaa ayna u jiheysteen nabad, sinnaasho iyo dimoqoraadiyad”.