Wax Ka Ogoow Kulanka Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo Hay’adda P4P Foundation

 

Muqdisho, 27 Feb 2024; Kulan isbarasho iyo is XOG wareysi ah ayaa waxaa uu dhex maray Wasiirka Wasaaradda Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi iyo xubno sare oo ka socday hey’adda PRINCIPLES FOR PEACE (P4P) FOUNDATION oo ka shaqeysa Hawlaha nabad-dhiska iyo ka hortagga ismaandhaafka.

 

Xubnaha Wasiirka la kulmay waxaa ka mid ahaa; marwo Hibo Qasaas oo ah agaasimaha filinta ee hey’adda iyo marwo Khadiijo Cali Cosoble oo ka tirsan maamulka sare ee hey’adda iyada oo Mudane Axmed Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya uu soo dhaweeyay in ay ka howl bilaabaan Soomaaliya.

 

Hay,addaan ayaa maalinta barri oo Arbaco lagu wadaa in ah ku daahfurto caasimadda Muqdisho barnaamijkooda ku aadan mabaadida nabadda iyo xallinta khilaafaadka.