Muqdisho 10 Feb 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta kulan la qaatay hawlwadeenada Guddiga madaxahannaan ee doorashooyinka qaranka.
Ujeedka shirkan ayaa waxaa uu la xiriiray; u kuurgalidda baahiyada xarunta cusub ee guddiga madaxabbannaan ee doorashooyinka qaran, kormeerka hawsha shaqaalaha iyo arrimo kale. Inta uu kulanku socday wasiir Fiqi waxaa uu uga warbixiyay hawlwadeenada guddigu qorshaha dawladda ee doorasho qof iyo cod ah iyo sidoo kale halka ay marayaan dibueegista shuruucda muhiimka u ah doorashooyinka.
Uga danbayn, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Axmed Fiqi ayaa kula dardaarmey hawlwadeenada in ay u diyaargaroobaan hawlaha baaxadda leh ee qaranka loogu adeegayo iyo in dhowaan la filayo in guddigii qaran ee doorashooyinka la soo magacaabi doono, dalku uu aadi doono doorasho qof iyo cod ah.