Muqdisho 10 Feb 2024; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Caydaruus Xasan Macallin ayaa guddoomiyay shir labadii todobaadba mar ay isugu yimaadaan agaasime waaxeedyada Wasaaradda. Arrimaha lagu falanqeeyey waxaa ka mid ahaa; Dardargelinta fulinta ballanqaayada Wasaaradda ee 2024-ka iyo in agaasime waaxeed kasta uu xoojiyo howlaha isla xisaabtanka, daadejinta shaqada iyo xaadirinta shaqaalaha.