Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Oo Goobjoog Ka Ahaa Kulan Uu Gobolka Banaadir Warbixin Ku Siiyay Golaha Shacabka BFS

 

Muqdisho Feb 2024; Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta goobjoog ka ahaa kulan ajendahiisu ahaa; Wadashaqeynta Hey’addaha Amniga 

 

Qorshaha amniga Gobolka Banaadir kaas oo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) uu warbixin siinayay Guddiga Arrimaha Gudaha Maamulada Goboladda Iyo amniga ee Golaha shacabka BJFS.

 

Kulanaka waxaa shir Guddoomiyey ku-simaha Guddoomiyaha ahana Guddoomiye ku –xigeenka Guddiga Xildhibaan Nuur Axmed Diiriye (Nuur Afey) iyo Xoghayaha Guddiga Xilldhibaan Maxamed Ibrahim Xasan (Diyeeshe ).

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Guddiga warbixin Guud ka siiyey amniga caasimada iyo wax ka qabashada Ciyaal weerada iyo mukhaadaraadka xubnaha Guddiga ayaa mid mid ubogaadiyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo shaqada adag uu u hayo Bulshada Soomaaliyeed.

 

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Guddiga ayaa ugu mahadceliyey Guoomiyaha gobolka Iyo wasiirkuba in ay muhim tahay wada shaqeynta , islaxisaabtanka iyo kor- joogteynta ka Guddi ahaan.