Wax Ka Ogoow Kulanka XFS Iyo Saaxibada Caalamiga Ee Siyaasadda Loo Dhanyahay

 

Muqdisho 05-06, 2024; Ra’isul Wasaare Kuxigeenka XFS muadne Saalax Jaamac, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo Wasiirka Dastuurka mudane Xasan Macallin ayaa caasmidda Muqdisho ku daahfuray kulanka siyaasadda loo dhanyahay ee u dhaxeeya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Saaxibada Caalamiga ee Soomaaliya ka taageera dhinaca Dowlad dhiska.

 

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa khudbad uu kajeediyay shirka Xukuumadda Federaalka ah iyo Saxiibada Soomaaliya ee looga hadlayo Siyaasadda loo dhanyahay, geedi socodka, caqabadaha iyo hiigsiga 2024-ka waxaa uu dul istaagay arrimo ay ka mid yihiin soyaalka qaran dhiska, caqabaha, fursadaha iyo ahmiyadda iskaashiga dhinacyada kala duwan.

 

Ugu horreyn, Mudane Axmed Macallin Fiqi waxaa uu khudbaddiisa uga hadlay caqabadaha uu dalkani ka gudbay tan iyo 1991-kii oo dib u dhigi lahaa qaran dhiska, arrimahaas oo looga guulaystay biseyl soyaasadeed, adkeysiga umadda Soomaaliyeed iyo garab istaagga saxiibada Soomaaliya.

 

“Ujeedka fadhigeenna kuma koobna in laga doodo Siyaasada loo dhanyahay, balse waa dadaallo wadajir ah oo lagu qaabeynayo helidda Soomaali horumarnsan, adkeysi leh, oo iskuna filan” isaga oo Intaasi raaciyey ahmiyadda in siyaasadda la toosiyo si aan loo gelin khatar dowladnimo.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi waxaa kale uu ka hadlay howlgallada dowladda Soomaaliya ee dalka looga xorreynayo Shabaab, taas oo sida uu sheegay keentay in gacanta lagu dhigo 800 oo KM, lagana hirgeliyay xasillin iyo adeegyo kala duwan, iyada oo guulo badan laga gaaray, dib loo howlgeliyay adeegyo sida Iskuullo, isbitaallo, leyrar, biyo, maxaakiim iyo qaar kale oo ay adkeyd in ay dadku helaan xiliigii ay ku hoos jireen Argigixisada.

 

Dhanka kale, Mudane Axmed Macallin Fiqi waxaa soo qaatay Heshiiskii mashada ee Golaha Wadatashiga Qaran (NCC) oo 5 gaarayay oo ahaa baahinta fedelaaleynta sida qeybsiga awoodaha, doorashooyinka oo waqtiyeysan iyo guud ahaan qaab dhismeedka Federaalka ah oo fursad u noqon karta dowlad dhiska.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya waxaa uu dul istaagay Hannnaanka Dhab u heshiisin qaran oo hannaan mideysan oo Dib u heshiisiin, isaga oo bogaadiyay dowlad goboleedyada ay ka socdaan howlaha dhab u heshiisiinta. Waxaa kale oo uu soo qaatay in Wasaaraddu ay hirgelisay Nidaamka hagidda iyo khariideynta khilaafyada oo sahlaya kahortag iyo yareynta colaadaha iyo kobcinta dhaqanka nabadda iyo wada noolaashiyaha.

 

Arrimaha uu Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi uga Hadlay khudbadiisa waxaa ka mid ah; Hannaanka Aqoonsiga Qaran iyo Diiwaangelinta Dadweynaha iyo fursaha looga baxayo garan waaga, Laguna helayo xuquuqaad dastuuri ah iyo sida uu uga qeyb qaanayo xasillinta.

 

Xubnaha beesha caalamka ee kaqeybgalay shirka Xukuumadda Federaalka ah iyo Saxiibada Soomaaliya ee looga hadlayo Siyaasadda loo dhanyahay, geedi socodka, caqabadaha iyo hiigsiga 2024-ka ayaa hadallo kooban oo ay soo jeediyeen waxaa ay bogaadiyeen howlaha geedi u socodka dowlad dhiska, hortabinnada dowladda iyo qorsheyaasheeda 2024-ka iyaga oo ballanqaaday in ay taageeri doonaan howlahaasi.
Maalinka 2-aad ee kulanka ayaa waxaa soo jeedinno ku saabsan arrimahaan ka jeediyay Xafiiska Raysal Wasaaraha, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Iyo Hay’adda NIRA.

 

Iyadoo maalinka 2-aad lasoo gabogabeeyay shirka Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya iyo Beesha caalamka ee Siyaasadda loo dhanyahay, iyada oo labada maalin uu socday lagu soo bandhigay doodo kala duwan oo taabanaya hortabinnida xukuumadda ee 2024-ka iyo sida ay tahay looga gacan siiyo gaarista yoolka.

 

Wasaaradda Arrimaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta iyo hey’adaha kale ee dowladda Soomaaliya waxaa ku wehliyay Ururro, dalal iyo hey’ado kale oo kaqeybgalay shirka sida: UN. OIC, EU, ATMIS, US, UK, Norway, Turkey, Finland, UNDP iyo qaar kale.