Muqdisho, 01 Febraayo 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa ka qaybgalay qado sharaf uu Maamulka Dagmada Dayniile u sameeyay Cayaaryahannada Dowlad Goboleedka Galmudug oo dhawaan ku guulaystay Koobka Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Gobolka Banaadir.
Wasiir Fiqi oo u mahadecliyay Maamulka Dagamada Dayniile ayaa kalmad kooban uu ka jeediyay Munaasabadda ku sheegay in uu guulaystay Isboortiga Soomaaliya, isagoo sheegay in uu ku suuragalay amniga ka jira dalka, gaar ahaan caasimadda, isagoo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yiiri “ Isboortiga Sanadkaan wuxuu kaga soocna kuwa kale dhanka Amniga oo suurtagaliyay jawi lagu qaban karo cayaaro, wuxuu kaga duwanaa sanadihii hore In Qurbajoog iyo muwaadiin aan dalka joogin ay qayb ka ahaayeen arrimahaan cayaaraha”
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa u mahadceliyay Bahda Saxaafadda Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay suurtagliyeen in dunidoo dhan laga daawado Tartanka Kubbadda Cagta ee Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Gobolka Banaadir. Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale bodaadiyay Taageerayaasha Kooxaha uu sheegay in ay Xamaasad u yeeleen Tartanka.
Madasha Qada sharafta ah waxaa sidoo kale kasoo qaybgaly Xubno ka tirsan XFS, Xildhibaanno, Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliyeed, Maamulka Gobolka Banaadir iyo kooxda Cayaaraha Kubbadda cagta ee Galmudug.