Muqdisho, 31 Jan 2034; Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta guddoomiyay shirka Billaha ah ee Wasaaradda iyada oo ay kulanka ku wehliyeen Wasiir kuxigeenka iyo Wasiiru dowlaha Wasaaradda mudane Cabdixakiim Xasan Ashkir iyo mudane Saadaad Maxamednuur Caliyow.
Shirka oo sidoo kale uu goobjoog ka ahaayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda mudane Caydaruus Macallin Xasan, agaasime waaxeedyada iyo lataliyeyaasha ayaa lagu soo bandhigay heerka danabeynta diiwaangelinta shaqada iyo shaqaalaha, halbeegyada Wasaaradda ee 2024-ka iyo howlaha hortabinta u leh, isticmaalka system-ka E-moifar ee wasaaradda, warbixinta federaalka iyo dowlad goboleedyada, asteynta awoodaha iyo arrimo kale.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda mudane Cabdixakiim Ashir oo kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyay howlaha socda, heerka ay marayaan iyo waxtarkooda, waxaa kale uu adkeeyay ahmiyadda in Wasaaraddu u guurtay E-government, oo xal laga gaaray Arkeefiyada iyo keydinta xogaha taas oo ku sheegay in tahay Raasumaal u hareysa qaranka Soomaaliyeed, waxaa uuna kula dardaarmay shaqaalaha adkeynta wadashaqeynta.
Wasiir Dowlaha Wasaaradda mudane Saadaad Maxamednuur Caliyow ayaa dhankiisa sheegay in arrimahan ay yihiin isqiimeyn, isaga oo dhiirigeliyay sysytemka iyo sida uu qaranka u anfacayo.
Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallin Fiqi oo shirka soo xiray ayaa u mahadceliyay shaqaalaha xogta ay soo bandhigeen, isaga oo faray in shaqada la labojibaarro, waxaa kale oo ku adkeeyay in lagu shaqeeyo buugga shaqo qeexidda, lana daadejiyo shaqada waaxaha, isaga oo kula dardaarmay in sanadkan sahaqada noqoto mid kooxd oo aaney noqon keliinimo.