Muqdisho, 30 Jan 2024; Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta caasimadda Muqdisho uga qeybgalay kulan wadatashi bulsho oo ku saabsan Hindisaha Sharci ee Ilaalinta iyo Taakuleynta Barakacayaasha.
Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ka hadlay kulankan ay soo qabanqaabisay Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka ayaa waxaa uu kudheeraaday heerarka Hindise Sharciyeedkan, ujeedooyinka, faa’idooyinkiisa ee dhanka Ilaalinta iyo Taakuleynta Barakacayaasha iyo kaalinta ay cid weliba ku leedahay.
Dhanka kale, inta uu socday shirka, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa bulshada goobjoogga ahayd, waxaa uga jawaabay su’aalaho la xiriira Hindise Sharciyeedka, isaga oo is dul istaagay sida sharaciga uu wax badan uga tari doonno wax kaqabashada xaaladda Barakaca ee gudaha dalka.