Muqdisho, 29 Jan 2024; Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa farriin hambalyo ah u diray xulka Galmudug oo ku guulaystay koobka kubbadda cagta maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee 2024.
Farriinta mudane Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya waxaa qeyb ka ah dhambaallada ku jiray cayaaraha sida nabadda iyo isdhexgalka, waxaa uuna bogaadiyay qeybaha kala duwan ee maamul goboleedyada, Wasaardaaha, xiriirada, cayaartoyda iyo bulshada Soomaaliyeed.