Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Oo Goobjoog Ka Ahaa Cayaarta Kama Dambaysta Ee Koobka Dowlad Goboleedyada

 

Muqdisho, 29 Jan 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa galabta goobjoog ka ahaa cayaar aad u xiiso badan oo ka dhacday Muqdisho Stadium taas oo gebogabo u ahayd koobka kubbadda cagta maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

 

Cayaartan oo dhexmartay xulalka Kubadda cagta ee Hirshabelle iyo Galmudug ayaa waxaa ay ku dhammaatay rigooreyaal ay Galmudug ku guuletsatay.

 

Mudane Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa hambaalyo u diray xulka Galmudug guusha ay ka gaareen koobkaan ku asteysnaa nabadda iyo isdhexgalka bulshada Soomaaliyeed isaga oo bogaadiyay dhammaan xulalkii ka qeybgalay iyo maamullada ay ka socdeen, cayaartoyda kala duwan, Wasaaraddaha cayaaraha ee dowlad goboleedyada, Wasaaradda cayaaraha ee Federaalka ah iyo Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda cagta.