Muqdisho, 18 Jan 2014; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi oo ay wheliso Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barkacayaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan Maxamed ayaa kulan la qaatay Agaasimaha Xafiis Goboleedka UNHCR Mudane Mohamadou Dian Balde iyo Wakiilka UNHCR ee Soomaaliya Mudane Magatte Guisse.
Kulanka ayaa looga hadlay Xeerka Qaxootiga iyo Magangalyo Doonka oo ay dhawaan meel-mariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isla markaana la filaayon in uu dhawaan saxiixo Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Ugu Dambayn Sidoo kale, kulanka waxaa looga hadlay xaaladaha ka taagan gobolka iyo caqabadaha ay wajahayaan qaxootiga iyo barakacayaasha Soomaaliya.