Muqdisho 16 Jan 2023; Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta ansixyay sharciga Qaxootiga iyo Magan-galyo doonka kaddib markii Guddoomiyaha Guddiga arrimaha Gudaha Senator deeqa Xasan Xuseen iyo xubnaha kale ee Guddigu ka soo shaqeeyeen sharciga, waxayna Sanatarrada la wadaagtay xogta akhrinta saddexaad iyo sida ay isu waafajiyeen aragtida Sanatarrada, waxaana codka kalsoonida siiyay 28 Sanatar wax diiday ma jirin wax ka aamusna ma jirin.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi, ayaa Sanatarrada Aqalka Sare uga mahad celiyay waajib ka gudshada iyo meelmarinta sharciga Qaxootiga iyo Magan-galyo doonka oo xuquuq iyo muhiimad gaar ah siinaya Qaxootiga iyo Magan-galyo doonka Dalkeenna jooga.