Wasiir Fiqi Oo Bogaadiyay Waxqabadka Dowladda Hoose Ee Xamar

 

Muqdisho 31 Dec 2023 Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinya XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa ka qaybgalay Munaasabad lagu soo Bandhigay Waxqabadka Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

 

Wasiirka Fiqi ayaa bogaadiyay shaqada ay qabteen Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar oo ay ku jiraan Dhismaha waddooyinka iyo hirgalinta mashaariicda kale.

 

Ugu Dambayn, kulanka ayaa waxaa kasoo qaybgalay Raysal Wasaare ku xigeenka Dalka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Qaar ka mid ah Xubanaha Golaha Wasiirradq XFS, Xildhibaanno ka tirsan BFS, Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Sariikiisha Hay’adaha Amniga.