Ku Simaha Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Oo Guddoomiyay Kulan Looga Hadlay Waxqabadka 2023 iyo Ballanqaadka 2024

 

Muqdisho 30 Dec 2023; Ku-simmaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaa maanta guddoomiyay shir lagu qiimeynayay heerka diyaargarowga soobandhigidda warbixinnada waxqabadkii Wasaaradda 2023 iyo ballanqaadyada 2024-ka.

 

Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen Agaasime Waaxeedyada iyo Lataliyeyaasha sare ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa si weyn loogu falanqeeyay xogaha kujira warbixinta guud iyada la isla dul istaagay halbeegyada kala duwan iyo howlaha loo diyaariyay in la hordhigo wasiirka Wasaaradda.

 

Ugu Dambayn, Agaasime Gurbiye ayaa faray Agaasimayaasha Waaxyaha, La-taliyaasha iyo Guud ahaan Shaqaalaha Wasaaradda in la dardargaliyo shaqada, si loo gaaro ahdaafta Wasaaradda ee ku aaddan Arrimaha Gudaha, Dhanka Federaalaynta iyo Arrimaha Dib-u-heshiisiinta.