Wasiir Fiqi Oo Kulan La Qaatay Madaxda UNHCR

 

Muqdishi 27 Dec 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi oo ayaa xafiiiskiisa kulan kula qaatay Madax ka socota Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Qaxootiga ee UNHCR.

 

Kulanka inta uu socday ayaa looga hadlay waxyaabaha qabsoomay sanadka sii dhamaanaya ee 2023 iyo sida wax looga qaban lahaa sanadka cusub ee 2024 arrimaha Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliya.