Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Oo Xilka U Kala wareejiyay Agaasimaha Cusub Waaxda Xiriirka & Agaasimahi Hore Ee Waaxda

 

Muqdisho 27 Dec 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dub-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi oo uu wehliyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Mudane Sadaad Maxamednuur Caliyow ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Agaasimihii Waaxda Xiriirka iyo Warbaahinta Marwo Idil Cabdi Maxamed iyo Agaasimaha Cusub ee Waaxda Mudane Cabdicasiis Axmed Maxamed (Gurbiye).

 

Agaasimaha hore ee Waaxda Idil Cabdi oo ugu horreyn ka hadashay Munasabadda ayaa sharraxday waxyaabaha u qabsoomay muddada ay joogtay iyo waxyaalaha ay wareejineyso, waxaa ay sidoo kale u mahadcelisay madaxda Wasaaradda iyo Holwadeennada Waaxda Xiriirka sida fiican ay ula sahqeeyeen.

 

Dhankiisa, Agaasimaha cusub ee Waaxda Xiriirka iyo Warbaahinta Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo munaasabadda ka hadlay ayaa uga mahadceliyay hoggaanka Wasaaradda xilka loo igmaday, waxaa kale oo ka mahadceliyay shaqada ay qabatay Agaasimaha xilka ku wareejisay isaga io ka codsaday Howladeennada Waaxda iyo Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda in lala shaqeeyo sidii si hufan uu u gudan lahaa howshan qaran.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi oo Munaasabadda xilwareejinta ka hadlay ayaa bogaadiyay howlaha ay waaxda la qabatay Agaasimaha xilka wareejisay, isaga oo uu sheegay in waxyaabo badan ay kusoo kordhisay Wasaaradda, sidoo kale Wasiir Fiqi ayaa faray Agaasimaha cusub in uu guto waajibkiisa.

 

Ugu Dambayn, Munaasabada Xilwareejinta ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Howlwadeennada Waaxda Xiriirka, Agaasimayaasha Waaxyaha ee Wasaaradda iyo La-taliyaasha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS.