Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Oo Goobjoog Ka Noqday Munaasabad Lagu Saxiixay Miisaaniyadda Gobolka Banaadir

 

Muqdisho 26 Dec 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Ahmed Mocallim Fiqi ayaa maanta kaqeybgalay munaasabad uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho mudane Yuusuf Jimcaale Madaale ku saxiixayay Miisaaniyadda sanadka 2024, iyo xeerka Nidaaminta Maaliyadeed ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

 

Ugu Dambayn, Maamulka gobolka Banaadir ayaa balllanqaaday sanadka 2024-ka sare u qaadista billicda caasimadda, Fulinta mashaariic waxtar u leh bulshada iyo in Magaalada Muqdisho ay hiigsato magaalooyinka dhigeeda ah ee horumaray.