Wafdi Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Oo Booqday Xarunta Aqoonsiga Ee Dalka Malawi

 

Muqdisho 13 Dec 2023; Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa booqday Xarunta Aqoonsiga Dadwaynaha ee Dalka Malaawi.

 

Booqashada Wasiirka waxaa ku wehliyo xunno Mareeyaha Hay’adda Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha, qaar ka mid ah Wasiirrada Dowlad Goboleedyada Dalka, Xoghayaha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Agaasimayaal iyo Lataliyayaal ka tirsa. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS iyo Xafiiska Raysal Wasaaraha XFS.

 

Inta joogay Malaawi Wasiir Fiqi ayaa kulamo la qaatay Xubnaha ugu muhiimsan dalkaasi Malaawi oo ay shaqadoodu la xiriirto howlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS.