Muqdisho 12-13, 2023; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisinta XFS Mudane Cayduruus Macallin Xasan ayaa soo xiray Kulan Wadatashiga Dib-u-eegista Sharciga Jinsiyadda oo muddo laba maalin ah ka socday Magaalada Muqdisho, kaas oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS.
Khubarrada kulanka Wadatashiga kasoo waxaa ka mid ah la taliyaha saree ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Prof C/laahi Shiekh Cali (Qalloocow), La-taliyaha Madaxaynaha JFS ee Arrimaha Dib-u-heshiisiinta Prof C/raxmaan Macallin C/laahi Baadiyow iyo Garyaqaan Xuseen Cabdi Cilmi oo soo noqday Wasiir ku xigeenkii Dastuurka XFS.
Garyaqaan Xuseen Cabdi Cilmi oo soo noqday Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurta XFS ahna khabiir dhanka Sharciga oo ka hadlay Kulanka Wadatashiga Dib-u-eegista Sharciga Jinsiyadda ayaa faahfaahiyay ahmiyadda Sharciga Jinsiyadda.
La-taliyaha sare ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Prof. C/laahi Shiekh Cali (Qallacoow) oo ka hadlay Kulanka Wadatashiga Dib-u-eegista Sharciga Jinsiyadda ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay xiriirka u leeyihiin Xeerka iyo Arrinta Aqoonsiga Dadwaynaha.
La-taliyaha Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Arrimaha Dib-u-heshiisiinta Dr. Ca/raxmaan C/laahi Baadiyow oo ka hadlay kulanka Wadatashiga ee Dib-u-eegista Sharciga Jinsiyadda ayaa tibaaxay ahmiyadda Sharciga, sidoo kale Dr. Baadiyow ayaa bidhaamiyay Mowduuca la xiriira Soomaaliya iyo Soomaalinimada.
Mudane Abdiqafar Ahmed Hassan oo ah Agaasimaha Waaxda Jinsiyadda Iyo Diiwaangalinta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo ka hadlay Kulanka Wadatashiga Dib-u-eegista Sharciga Jinsiyadda ayaa tibaaxay agmiyadda uuu leeyahay Sharciga Jinsiyadda iyo qaababka lagu hubin karo Muwaadinka Soomaaliga ah dhalashadiisa.
Ugu Dambayn, Kulanka oo muddo laba maalin ah socday ayaa sidoo kale waxaa kasoo qaybgalay Hay’adda Dowladda oo ay shaqadoodu la xiriirto Sharcigaan, Aqooonyahannada iyo Guud ahaan Ururrada Bulshada raydka ah.