Sacuudi Carabiya 06 Dec 2023; Wasiirka Wasaadadda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi iyo wafdigiisa ku sugan boqortooyada Sucuudiga ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxda sare ee Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo arrimaha bani’aadamnimo.
Mudane Wasiir Fiqi oo kulanka ka hadlay ayaa ugu horreyn ka warbixiyay xaaladda fatahaadaha iyo daadadka gobolada qaar dalka Soomaaliya ka jira iyo Khasaaraha ay geysanayaan, isaga oo sidoo kale isdul istaagay deegaanada Khawaarijta laga xoreeyey iyo sida loogu baahan yahay in ay hawlaha ay Soomaaliya ka hayaan ay ku ballaariyaan.
Dhanka kale, Mudane Axmed Macallin Fiqi Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ayaa
uga mahadceliyey hogaanka boqortooyada Sucuudiga iyo madaxda hey’adda Boqor Salmaan howlaha baaxadda leh ee ay Soomaaliya ka hayso iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan gurmadka ay fidiyaan waqtiyada musiibooyinka dabiiciga ah ay dhacaan iyo hawlaha kale ee dhinaca horumarinta ay ka qabtaan.
Guddoomiyaha Xarunta Boqor Salmaan Dr. Cabdalla Al-Rabiah ayaa tilmaamay in ay sii laba laaba-laabayaan hawlaha ay Soomaaliya ka hayaan, wuxuuna tilmaamay in Soomaaliya ay ku leeyihiin xarunta uga weyn Afrika, qorshayaashoodana ay ku darayaan deegaanada Khawaarijta laga xoreeyey, gacanna ay ka geysanayaan gurmadka fatahaadaha ee hadda taagan, wuxuuna dawladda Soomaaliya uga mahadceliyey wada shaqaynta Wanaagsan ee kala dhexaysa.