Sacuudi Carabiya 06 Dec 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi iyo wafdigiisa oo ku gudajira socdaalkii shaqo ee rasmiga ahaa ee dalka boqortooyada Sucuudiga ayaa booqday Jaamacadda facawayn ee Naayif Alcarabiyah ee cilmiga Amniga.
Maamulka Jaamacadda ayaa siweyn usoo dhoweeyey Wasiirka Arrimaha iyo Soomaaliya Mudane Axmed Fiqi iyaga oo uga warbixiyay howlaha Jaamacaddani ay asaaseen Wasiirrada Arrimaha Gudaha ee dalalka Carabta sanadkii 1978-ddii.
Dhankiisa, guddoomiyaha jaamacadda ayaa sidoo kale soo dhoweeyey wada shaqayn iyo ka faa’idaysiga fursadaha waxbarasho ee jaamacaddu ay heyso halka Wasiir Arrimaha Gudaha mudane Fiqi uu ka mahadceliyey soo dhowaynta loo sameeyey isaga iyo wafdigiisa iyo guud ahaan wadashaqaynta.