Muqdisho 05 Dec 2023; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cayduruus Macallin Xasan ayaa si rasmi ah u furay Kulanka Ansixinta Hagaha Hannaanka Adeeg Bixinta Baahsan ee Dowladaha Hoose.
Agaasimaha Guud oo ka hadlay kulanka ayaa tibaaxay ahmiyadda ay leedahay in la turxaan bixiyo arrimaha la xiriira Maamul baahinta iyo adeeg bixinta, isagoo Agaasimaha hoosta ka xarriiqay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ay waddo arrimaha la xiriiro astaynta awoodaha Dowladda dalka, iyadoo ay qayb ka yihiiin dhammaan Hay’adaha kala duwan ee Dowladda.
Inta uu socday kulanka ayaa waxaa lasoo jeediyay xog iyo warbixin ku saabsan Hagaha Hannaanka Adeeg Bixinta Baahsan ee Dowladaha Hoose, sidoo kale dhinacyada kasoo qaybgalay kulanka ayaa ku daray fikirkooda ku saabsan hagaha.
Ugu Dambayn, Kulanka ayaa waxaa kasoo qaybgalay Hay’adaha Dowladda Federaalka ee Bahwadaagga ah, Wasaraadaha Arrimaha Gudaha iyo Waxbarashada ee Dowlad Goboleedyada dalka oo ay shaqadoodu la xiriirto Arrimaha Adeeg Bixinta iyo Maamul Daadajinta.