Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Oo Qabatay Kulanka Farsamo Ee Bulshada Raydka Ah iyo Dowladda

 

Muqdisho 04 Dec 203; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cayduruus Macallin Xasan

 

Agaasime Cayduruus oo hadal ka jeediyay furitaanka Kulanka Wadatashiga Farsamo Ee Hoggaanka Ururrada Bulshada Raydka ah Iyo Hay’adaha Dowladda ayaaa sheegay Ahmiyadda ay leedahay iskaashiga Dowladda iyo Bulshada Raydka ah.

 

Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Raydka ah Mudane Cusmaan Muxudiin Shaatax oo ka hadlay Kulanka Wadatashiga Farsamo Ee Hoggaanka Ururrada Bulshada Raydka ah Iyo Hay’adaha Dowladda ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay Wadashaqaynta Dowladda Soomaaliya iyo Bulshada Raydka, si loo xoojiyo Dowladnimada Soomaaliya.

 

Wakiillada Ururada Bulshada ee Dowlad Goboleedyada Dalka oo goobta ka hadlay ayaa kulligood waxay bogaadiyeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS ee isoo qabanqaabisay Kulamada Iskaashiga Bulshada Raydka ah iyo Dowladda.

 

Prof Hussein Iman oo ka socda Ururrada Bulshada Raydka ah ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Doorkeeda ku aaddan Dardargalinta Iskaashiga Bulshada Raydka ah iyo Dowladda.

 

Kulanka Wadatashiga Farsamo ee Hoggaanka Ururrada Bulshada Raydka ah ayaa waxaa kasoo qaybgalay Hoggaanka Ururrada Bulshada oo kala ka socda Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Gobolka Banaadir.