Dowladda Ruushka Oo Soomaaliya Ku Wareejisay Deeq Raashiin Ah

 

Muqdisho 30 Nov 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta qeyb ka ahaa munaasabad ay Dowladda Soomaaliya kula waareegtay kaalmo banii’aadnimo oo ka timid Ruushka taasi oo gaareysay 25,000 oo tan.

 

udane Axmed Macallim Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya oo munaasabadda kajeediyay hadal kooban ayaa dowladda iyo Shacabka Ruushka uga mahadceliyay gargaargan barnii’aadnimo oo kusoo aadaya xilli dalka uu wajahayo xaalad banii’aadnimo oo ka dhalatay fatahaadaha El Niño.

 

“Waa kaalmo banii’aadninimo tii ugu weyneyd ee dalkeennu helo dhowaanahan, waxaanna u mahadcelinayaa dowladda iyo Shacabka Ruushka “ ayuu intaasi raaciyay mudane Wasiir Fiqi.

 

Dhankiisa, safiirka Dowladda Ruushka ee Soomaaliya Amb. Mikhail Golovanov oo ahaa mas’uulka wareejiyay shixnadda gargaarka ah ayaa sheegay in gargaargan uu qeyb yahay ballanqaadyada Madaxweyne Putin ee Afrika “ Gargaargan waxaa yaboohay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin shirkii madaxeedkii 2-aad ee Ruushka-Afrika, gargaarkan Banii’aadnimo waa mid lagu taageerayo dalalka Afrika”.

 

Amb. Mikhail Golovanov ayaa sidoo kale intaa raaciyay in qeyb kale oo gaargaar ah, gaareysana ilaa 25,000 oo tan ay dalkiisa kasoo gaari doonto Soomaaliya dhammaadka December ee isla sanadkan.