Brussels 28 Nov 203; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim
Fiqi ayaa maanta Brussels kala qeybgalay hoggaamiyeyaal badan oo Yururb, Asia, Afrika iyo qaarado kale ah shir ay soo agaasintay Komishinka Midowga Yurub.
Shirkan ayaa xoogga lagu saaray sidii dunida ugu midoobi laheyd Kahortagga dambiyada socdaalka sharci darrada ah iyo tahriibka iyada oo si faahfaahsan loo dul istaagay waxyaabaha badali kara socdaalka sharci darrada ah. Waxaa dowladaha loogu baaqay in ay la yimaadaan shuruuc iyo siyaasado arrimahan wax kaqabanaya halka ururada caalamiga ah laga doonayo in ay dhiirigeliyaan latacaalista howshan.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Axmed Macallim Fiqi oo khudbad kajeediyay kulanka ayaa sheegay in dalkiisu ka go’antahay in xalwaara loo helo raadadka tahriibka iyaga oo la xoojinayo fursadaha dhaqaale, waxbarasho iyo guud ahaan xasilloonida.
“Maalgelinta bulshadeenna waxaan uga gol leenahay helidda bay’ad dhib la’aan ah oo qofka uga maarmayo tahriibka” ayuu hadalkiisa kusoo gabogabeeyay mudane Axmed Macallim Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS.